You are using an out of date browser. It may not display this or other websites correctly. You should upgrade or use an alternative browser.
Fahad21
Jimicsiga iyp cuntada wanaagsani waa labadan arrimood ee ugu fiican lagu hagaajin karo caafimaad qabka naasaha waxay ka hortagaan ka kansarka naasaha ku dhaca. Dumarka jimicsada waxaa ku yar fursadda kansarka ku dhaca naasaha marka loo barbardhigo kuwa aan jimicsan.
Hadii aad doonayso inaad wanaajiso caafimaadka naasahaaga ku dedaal oo ilaali miisaankaaga, daraasado la sameeyay waxaa lagu arkay in cayilku kordhiyo khatarta kansarka naasaha.
Waxaa arkaa mareego qaar lagu soo daabaco qoraallo lagu sheegayo in xirashada Rajabeetada ama Keeshaliga ama Rajastiinada hadba midkaad u taqaan laga qaado kansarka naasaha, waxaan idiin xaqiijinayaa in arrinkaas aanu xog cilmi ah ama xaqiiqo waa arrin ayna waxba ka jirin.
Maanka ku hay wax kasta oo aad a ama aragto in aad iska hubiso adigoo waydiinaya dadka aqoonta u leh.
Beri dhoweyd waxaan qormo ka diyaariyay ahmiyadda ay leedahay in la joogteeyo daryeelka caafimaadka naasaha.